Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kheyre oo Shaaciyay cida dhiseysa Garoonka Muqdisho Stadium (Daawo Sawirada)

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ballan qaaday in garoonka ciyaaraha Muqdisho lagu dhisayo barnaamijka Is-xilqaan oo ay xukuumaddu ugu tala gashay dardar-gelinta dib-u-dhiska dalka iyada oo ay shacabku ka qayb qaadanayaan.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo maanta ka qeyb-qaadanayay ololaha nadaafadda Khamiislaha ah ee is-xilqaan oo lagu nadiifinayay garoonka ciyaaraha Muqdisho ayaa sheegay in barnaamijkan lagu dhisi doono xarumaha dowladda ee burbursan iyo waddooyinka iyada oo laga billaabayo garoonka ciyaaraha Muqdisho, xarunta xisbiga, golaha Mudritida iyo madadaadala iyo maktabadda Qaranka.

“Hadii aad sugaysaan in uu idiin yimaado ajnabi, idiin dhiso garoonkaan waa in aad iska ilaawdaan, waa in aad is abaabushaan, xaaqataan, dhissataan garoonkiinna si uu u shaqeeyo”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayr oo kula hadlayay dadwayne Soomaaliyedd oo isugu yimid gudaha garoonka.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa horay u ballan qaaday in sannadkaan gudihiisa garoonka dib loogu soo celinayo gacanta dawladda, waxaana Ciidanka AMISOM ay banneeyeen garoonka iyaga oo fulinaya amarka madaxda Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Lacagtii ugu Badneyd ku bixinaya Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi

Cabdi Cade

Xayiraad lagu soo rogay Akoonada maamulka Gobolka Banaadir iyo Sababta keentay (Akhriso)

Cabdi Cade

Raila Odinga oo Balan qaad u sameeyay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Islii (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---