Nin beeralay ah oo ku nool gobalka West BengalĀ ee dalka Hindiya ayaa ka shaqeynayay mashruuc uu ku dhisanayo guri u eg markabtii aasmay ee titanic kaas oo laga sameeyey filim caan baxay sannadkii 2000.
Mintu Roy, wuxuu weligiisba ku riyoon jirtay inuu dhisto guri u eg markabkaas. Beri isaga oo yar ay ishiisu qabatay dhismo weyn oo loo ekeysiiyay markabka Titanic ilaa uu kasoo qaangaarayay wuxuu la nool aragtidaas. Wuxuuna goāaansaday inuu naftiisa u dhiso aqal sidaas oo kale ah. Maanta oo 52 jir yahay, weli wuxuu ku howlan yahay siduu mashruucaas u hirgelin lahaa.
Dalka Nepal ayuu u aaday si uu cilmiga dhismaha uga soo barto. Hadda wuxuu dhismaha ku guda-jiraa muddo 13 sannadood ah, in kasta oo qarashku ku adkaaday, haddana wuxuu quudaraynayaa inuu goor dhow kasoo fara xasho. Hankiisuna waa inuu gurigaas u eg markabkii quusay ee Titanic uu maalin qoyskiisa kula dhex noolaado.
āAdduun lagu hilaadiyay ā¹15 lakhs ($182,000), ayuu ku bixiyay dhismaha,ā ayay tiri afadiisa. āLaakiin faqriga iyo xoola-yaridu nagama horjoogsaneyno inaan ka dhabeyno doonisteenna ah inaan dhisanno guri sida markabka Titanic oo kale ah.ā
52 jirkan ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu dusha sare ee guriga uu ka furo maqaaxi iyo meelo kale oo fadhiisi leh si uu lacag uga sameeyo. Wuxuuna sidoo kale rajaynayaa in mashruuciisu noqdo mid dalxiis ahaan uu lacag uga sameeyo maalin maalmaha kamid ah.
Aad bay qoyskan u farxaan marwalba oo dalxiis iyo siyaalo kale loogu yimaado si loo arko dhismaha gurigooda qabyada ah, waxayna ku faanayaan inay wadajir uga dhabeeyeen riyo maalin un ku dhalatay aabbaha qoyska.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com