Allbanaadir.com
NEWS

C/wali Gaas oo si diiran loogu soo dhoweeyey Koonfurta Gaalkacyo, Khudbad Qiiro lehna jeediyey (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran Koonfurta magaalada Gaalkacayo waxaa ugu soo dhaweeyay Maamulka Galmudug.

Madaxawaynaha iyo Masuuliyiinta  Wehelinaysay ayaa waxaa kusoo dhaweeyay dhinaca Galmudug Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Maamulka Galmudug, Taliska ciidamada Maamulkaasi, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug , Isimo Cuqaal, waxgaradd, nabadoono, aqoonyahano, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulkaasi,

Soo dhawayn kadib Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa uu kulan laqaatay ciidamada isku dhafka ee Magaalada Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo qaybaha kala duwan ee ee bulshada Koonfurta Gaalkacyo.

“Waxaan Ka mahad naqayaa soo dhawaynta wanaagsan ee walaaltinimada leh iyo dareenka wanaagsan ee aad maanta nagu soo dhawaayseen, waxaan aad ugu mahadcelinayaa intii wanaagaan kasoo shaqaysay sida maamulka degmada, maamulka Gobolka, dhalinyarada, haweenka, waxgaradka, taliyayaasha ciidamada, iyo intii kale oo kaqayb qaadatay wanaaga badan ee aan ujeedno maanta, una dhabar adaygay hawshaan adag, runtii waan jeclaa in aan imaado intii uu joogay madaxwayne Axmed Ducaale Xaaf, laakiin duruufo kale ayaan ii saamixin in aan imaado waan rajaynayaa markale in aan gobolka isugu nimaadno saan ku balansanahay, si nabadda Gaalkacayo usal dhigato, u waarto dadkanina ay wanaag iyo walaaltinimo kuwada noolaadan ayaan rajaynaynaa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Gaas ayaa sheegay in nabada Gaalkacyo ay muhiim u tahay shacabka ku wada nool magaaladaas horumar badana laga sameeyey.

“Nabada Gaalkacyo waa muhiim, maata waxaa ii muuqada bisayl aad u badan waxaan rajaynayaa in bisaylkaasi uu yahay mid dhab ah, dadka reer Gaalkacayo ma tihidin dad meel kala aadaya oo kala guuraya waxaa tihiin dad ehel ah oo aan kala maarmin, maanta waxaa jira cadaw Somaaliya dhib wayn ku haya inaga oo dhan aan ina kala aqoon oo aan cidna dhaafayn kaasoo Dawladnimadeena, wanaageena, qaranimadeena, hortaagan oo kashaqaynaya sidii ay inoo dhibi lahaayeen iyaguna u guulaysan lahaayeen, markaa wa in aan gacmaha isqabsanaa cadwgeena halmeel uga soo wada jeesanaa” ayuu intaa ku daray C/wali Gaas.

C/wali Gaas ayaa si gaar ah uga hadlay ujeedada loo sameeyey ciidamada isku dhafka ee loo sameeyey Gaalkacyo isagoo ugu baaqay iney nabada ka shaqeeyaan.

“Ciidankan isku dhafka ah, waxaa loo sameeyay inay wanaag soo kordhiyaan inay nabad soo kordhiyaan inay magaalada horumarkeeda ka shaqeeyaan, wixi ka dhiman oo imaaniyaad ah wixii aan u awoodno sida ugu wanagsan ayaan isgu dayaynaa in aanu u hawl galno”. ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dawdaynaha gobolka mudug ugu baaqay inay si wada jir ah nabadda uga wada shaqeeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay duqeyn lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Muuse Biixi oo xariga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey Laascaanood

Caydiid Ali

Maxkamadda sare oo saakay bilowday Dhageysiga Dacwada kursiga Fahad Yaasiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---