Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay qabteen rag katirsan Amniyaadka Al Shabaab

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay gacanta kusoo dhigeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab sida ay baahisay Warbaahinta dowlada.

Howlgalka ay ciidamada Milatariga sameeyeen ayaa la sheegay in lagu soo qabtay koox katirsan Amniyaadka Al Shabaab ee dilalka ka fuliya Degmada Baardheere iyo koox kale oo iyana Al Shabaab u qaabilsaneyd qaraxyada.

Taliyaha ururka 49-Aad guutada 10-Aad ee ciidanka Xoogga Dalka  Faarax Maxamed Turbac ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay in ciidanka Milatariga gacanta ku dhigeen shabakado dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa Al Shabaab oo ku dhuumaaleesanayay Baardheere.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa marar badan Warbaahinta waxa ay u sheegeen in ay dileen sidoo kale qabteen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

NATO oo sheegtay in ciidanka Ukraine ay rideen gantaalkii ku dhacay dalka Poland

Caydiid Ali

Diyaarad shil ku gashay garoonka Diyaaradaha magaalada Baardhaare (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal culus oo ka dhacay Deegaanka Nuur Dugle iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---