Askari katirsan ciidanka Minishiibiyada dowlada Hoose ee Xamar ayaa maanta wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeesanayay mooto Bajaaj waxa uu ku dilay Isgooska Sanca ee Degmada Yaqshiid.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askariga dilka geestay iyo wiilka la dilay uu muran dhax maray kadibna askariga wiilkaasi si bareer ah xabad ugu dhuftay, wiilka Bajaajlaha ahaa ayaana u dhintay dhaawac culus oo soo gaaray.
Askariga dilka geestay ayaa la sheegay in goobta uu ka baxsaday, waxaana meydka wiilka la dilay la geeyay xarunta Dambi baarista CID-da oo bilowday baaritaano ku aadan dilkaasi iyo waliba askarigii ka dambeeyay sidii loo soo qaban lahaa.
Ciidamada Minishiibiyada ee dowlada Hoose ee Xamar oo u badan kuwa qaab qabiil lagu qoray ayaa caado ka dhigtay in dilal joogta ah u geestaan dhalinyarada nolol maalmeedka ka raadsada Mooto bajaajta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com