Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirkad ajnabi ah oo ku guuleysatay dib u dhiska suuqii gubtay ee Waaheen

Shirkad ajnabi ah oo laga leeyahay dalka Eswatini ayaa ku guuleysatay dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen ee magaalada Hargeysa xarunta Somaliland.

Inyatsi Construction Company Eswatini waa dal yar oo ku dhex yaalla dalka yar oo ku yaalla Koonfurta Afrika

Guddiga qandaraasyada ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay in dhismaha Suuqii gubtay ee Waaheen ay ku guuleysatay Qandaraaskan.

Sidoo kale, Guddida qandaraasyada Somaliland ayaa sheegay in shirkadda ku guuleysatay dhismaha suuqa ay ka mid tahay shirkaddaha ugu waaweyn Afrika, isla markaana ay shaqooyin badan ka wado dalal badan.

Suuqa Waaheen oo khasaare badan uu ka soo gaaray dab xoogan oo ka kacay sanadkii hore kaasoo basbeeliyey intii badneyd suuqa oo hadda la filayo in loo dhiso qaab ka casrisan sidii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo Guddi Cusub magacaabay amarna ku bixiyay in lala shaqeeyo

Cabdi Cade

Dhul-gariir laga cabsi qabo inuu ka dhaco qeybo ka mid ah Somalia & digniino laga bixiyey

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo Indhihiisa kusoo arkay Baaxada Dabkii ka kacay Suuqa Hargeysa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---