Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo dal labaad ku eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii Kremlin-ka

Ruushka ayaa ku eedeeyey Maraykanka inuu ka dambeeyey weerarkii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday aqalka madaxtooyada Ruushka ee loo yaqaan Kremlin, taasoo ay ku sheegeen in ujeedada weerarkaas looga dan lahaa ay ahayd in lagu dilo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Hase ahaatee Washington iyo Kyiv ayaa labaduba beeniyey inay wax lug ah ku lahaayeen weerarkaas.

Wakaaladda wararka ee TASS ayaa sheegtay in madaxweyne Putin uu ka qaybgeli doono shirka golaha amniga ee qorshaysan Jimcaha isla markaana uu qodobkani ka mid yahay, arrimaha miiska saaran.

Muuqaallo aan la xaqiijin oo la wareejinayo baraha bulshada ayaa muujiey qarax ka dhacay dusha sare ee Aqalka Kremlin-ka, oo ah hoyga madaxweynaha Ruushka.

Moscow ayaa hore ugu eedeysay Kyiv inay isku dayday inay Putin ku khaarajiso “ficil argagixiso oo la qorsheeyey iyo isku day lagu qaadi lahaa nolosha Madaxweynaha Federaalka Ruushka.”

Hase yeeshee madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa hore u beeniyey in dalkiisu uu mas’uul ka ahaa isaga oo yiri “waxaan u dagaalameynaa dhulkeena, waxaan difaaceynaa xaafadaheena iyo magaalooyinkeena.”

Afhayeenka madaxweynaha Ukraine Mikhaylo Podolyak ayaa soo jeediyey in Moscow ay mas’uul ka tahay weerarkan si ay marmarsiiyo uga dhigato iney dhibaato kale oo xoogan u geysato dalkiisa

“Warbixinadan ay abaabuleen Ruushka waa in loo tixgeliyaa isku day lagu diyaarinayo weerar argagixiso oo lagu qaado Ukraine,” ayuu yiri Podolyak.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale shaki geliyey sax ahaanshaha sheegashada Ruushka, isaga oo yiri “Waxa kasta oo ka yimaada Kremlin-ka waxaan ka qaadan lahaa shaki badan.”

Khabiir ku takhasusay Yurubta Bari, Sergej Sumlenny ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ruushka uu ka dambeeyey weerarka, isagoo sabab uga dhigay arrimo ay ka mid yihiin Kremlin-ka oo xaqiijin deg deg ah ka bixiyey dhacdada, iyo muuqaallada oo ay duubeen kaamirooyinka dowladda, sidoo kale khabiiro kale ayaa aaminsan in Ukraine aysan laheyn awood ay ku weerari karto Kremlinka oo aad uga fog xuduudaha Ruushka iyo Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Iska horimaad xalay ka dhacay nawaaxiga degmada Matabaan

Caydiid Ali

Mareykanka oo dacwaynaya Madaxa Shirkadda Adani Group

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shirka 75-aad ee Golaha guud ee Q/Midoobay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---