Dalka Koonfur Afrka gaar ahaan Deegaanka Suweto oo katirsan magaalada Johanesburg waxaa shalay ka dhacay rabshado xoogan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo boob loo geestay goobo badan oo ganacsi.
Rabshadaha ayaa la sheegay in uu ka bilowday dil ganacsato Soomaaliyeed u geesteen wiil dhalinyaro ah oo doonayay in uu alaab kala cararo dukaanka, waxaana dilkaasi kadib xoogeestay rabshado deegaankaasi ka jiray.
Dukaaman badan ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed iyo ajaaniib kale ayaa cagta la mariyay, waxaa sidoo kale toorey lagu dhaawacay ganacsade Soomaaliyeed xili uu gacanta ugu jiray ciidanka booliiska.
Ganacsatada Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh Koonfur Afrika gaar ahaan deegaanada hoostaga magaalada Johanesburg waxaa lasoo darsay cabsi, kadib martkii fariimo lagu baahiyay baraha bulshada lagu baaqayay in la gubayo dukaamanka.
Fariin lagu baahiyey WhatsApp-ka oo dadka Koonfur Afrika is weydaarsanayeen ayaa ahayd digniin loo diray qof kasta oo Soomaalida guri ka kireeyey, waxaana dadka guryaha leh loo sheegay in Soomaalida ka eryaan guryahooda ama la gubi doono.
Xaalad cabsi ah ayaa wali ka jirta deegaano katirsan dalka Koonfur Afrika oo ganacsi ku leeyihiin Soomaalida iyo ajaaniibta kale, waxaana laga cabsi qabaa in rabshadahan kusii faafaan deegaano kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com