Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Cali Jeyte & ciidan uu wato oo Al-Shabaab ku weeraray Jiinka webiga Shabelle

WAR-SAXAAFADEED

Gudoomiyaha gobalka hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa maalinkii sadexaad oo xiriir ah hogaaminayo gulufka ka dhan ah khawaariijta Al-shabaab kuwaasoo looga saarayo degaanada koonfurta degmadda Beledweyne oo si dhuumaaleeysi ah ay ku yimaadeen khawaariijta.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa gaaray Degaanada Jiinka wabiga ee koonfurta magaalada Beledweyne, ayadoo khawaarijta ay dooman isticmaalayeen si Dhuumaaleeysi ah, waxaana laga burburiyey doonyo badan, iyadoo sidoo kalane Firxadkooda aay ku raad joogaan.

Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyey in khawaarijta Al-shabaab ay mar walbo sii cararayaan ayagoo Aan laheyn awood ay ku dagaalamaan ciidamada huwanta, Gudoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Al-shabaab aan fursad la siinin isagoo Xusay in ay yihiin kuwo waqtigooda dhamaaday.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa wado dedaaladii ugu dambeeyey ee lagu sugayay amniga deegaanadda dhaco Koonfurta magaalada Beledweyne ee ku teedsan Jiinka wabiga oo Argagixisada ay ka sameynayaan arbushaad, iyadoo inta badan la soo afjaray.

Maamulka gobolka Hiiraan
-DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho & Wasiirad Fowsiya Abiikar oo ka wada hadlay qorshe cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaanada Golaha shacabka oo kulankoodii ugu horeeyey ku yeelanaya xarun cusub

Caydiid Ali

(Sawirro) Deni oo kormeer lama filaan ah ku tagay 11 xarumood oo ku yaalla Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---