Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaano cusub oo ka tirsan Mudug

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka oo iskaashanaya ayaa maanta la wareegay Deegaanno dhaca Galbeedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Degaanada Ciidamadu la wareegeen ayaa horay waxaa u joogay Al Shabaab, Ciidamada ayaana weerar jahooyin kala duwan leh ku qaaday dagaalyahano halkaas isku urursanayey.

Warbaahinta dowlada oo warkan baahisay ayaan magacaabin degaanada lagala wareegay Al-shabaab ee dhaca galbeedka degmada Xarardheere

“Ciidamada xoogga ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan deegaanadii ay Khawaarijtu dadka ku dhibaateyn jireen, halkaasi oo ay iminka ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan howlgallo Nabadgelyada lagu xaqiijinayo” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey Idaacada ku hadasha codka DF.

Sidoo kale idaacadu faahfaahin kama bixinin khasaaraha ka dhashay howlgalkan ee kala gaaray Al-shabaab iyo ciidamada xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

SOMALILAND oo lagu eedeeyay in ay Xiriir hoose la leedahay Ururka Al Shabaab iyo Madaxwayne Farmaajo oo …..

admin

Madaxtooyada Soomaaliya oo Shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Jabuuti Baaqna dirtay

Cabdi Cade

Faah faahino kasoo baxaya dil Kooxo hubeesan u geesteen Maxamed Cabdi Kheyre

Cabdi Cade
Taboola Ads ---