Allbanaadir.com
NEWS

Xog: Khilaaf adag oo ka dhex aloosan Madaxweyne Deni iyo Wasiir Cabdi Faarax Juxa

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu soo kala dhex galay khilaaf adag.

Khilaafkan ayaa bilowday sida wararku sheegayaan ka dib Wasiir Juxa uu ka horyimid qorshe uu madaxweyne Deni ku raadinayo inuu wax ka beddel ku sameeyo Dastuurka si loo kordhiyo tirada xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod.

Deni ayaa sidoo kale isu diyaarinaya inuu xilka qaadis kaga jawaabo diidmada Wasiir Juxa ka muujiyay wax ka beddelka Dastuurka, waxaana lagu kala dhaqaaqay dhowr kulan oo ay isku yimaadeen labada Wasiir.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Deni uu Cabdi Xirsi Cali Qarjab u magacaabayo Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland ka dib marka uu wasiir Juxa shaqada ka eryo.

Dhinaca kale, Madaxweyne Siciid Deni ayaa qorshaynaya in uu dhawaan xilka qaadis ku sameeyo Taliyaha guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Abshir Cabdi Jaamac (London).

Deni ayaa lagu wadaa inuu Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta u magacaabo Gen. Muumin Cabdi Shire oo hadda ah Taliyaha Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo baaq Muhiim ah u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Cabdi Cade

Xaaf oo soo saaray War cusub oo niyad jab ku riday Dowlada federaalka (Akhriso)

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Geelle & guddoonka labada aqal ee Somalia?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---