Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin iyo Saraakiil Ciidan oo qiimeyn ku sameeyay Stadium Muqdisho (Daawo Sawirada)

Wasiirka Amniga ,  Duqa Muqdisho, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga dalka, Booliska, saraakiil iyo La-taliyeyaasha dhinaca ammaanka ee Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha ayaa kormeer qiimeyn ah ku sameeyey Stadium Muqdisho oo dhowaan ay Ciidanka AMISOM ka baxeen.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha la socotay ayaa kormeeray qeybo badan oo kamid ah garoonka Stadium Muqdisho si ay u arkaan bur burka iyo isbadalka ku yimid garoonka oo sanado badan ahaa xarun ciidan.

Ciidamada AMISOM oo mudo dheer xarun Milatari u aheyd garoonka Muqdisho ayaa ugu dambeyn isbuucan isaga baxay garoonkaasi, waxaana garoonka lagu wareejiyay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Garoonka Stadium Muqdisho oo la dhisay Sanaddii 1978-dii ayaa lagu qaban jiray in badan oo ka mid ah ciyaaraha Sportiga sida Kubbadda Cagta, Kolayga, Miiska, Dabaasha iyo kuwo kale oo badan, iyadoo sidoo kalena ahayd goob muhiim u ah isu imaatinka Bulshada xilliyada ay jiraan Munaasabadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacasatada Jaadka Kenya oo khasaaro kasoo gaaray talaabo ay qaaday dowlada Somalia

Cabdi Cade

Madaxweyne hore Farmaajo oo war cusub soo saaray kana hadlay Isbadalka dhacay

Cabdi Cade

Sarkaal ka soo goostay Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---