Allbanaadir.com
NEWS

Xubno cusub oo kamid noqday Golaha Wasiirrada oo lagu hor dhaariyay Aadan Madoobe (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa goobjoog ahaa dhaarinta labada xubnood oo ka mid noqanaya Golaha Wasiiradda kuwaas oo kala ah Mudane Xildhibaan Cabdikariim Cabdow Xaydar, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Mudane Axmed Jaamac Cumar Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa xubnahan ka mid noqonaya Golaha Wasiiradda waxaa uu kula dardaarmay in xilkooda ay u gutaan si daacad ah uguna adeegaan Shacabka Soomaaliyeed si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad, isagoona u rajeeyay in Alle ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Labadan wasiir ee maanta lagu hor-dhaariyay guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa shalay waxaa magacaabay Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya , waxa ayna buuxiyeen labo boos oo xukuumadda ka banaanaa.

Related posts

Al-Shabaab oo dib ula wareegtay degaano dhowaan laga saaray

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo arrimo kala duwan kala hadlay Mike Nithavrianakis (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaad kala socotaa kala jabka ka dhashay loolanka ka dhexeeya Farmaajo iyo Rooble?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---