Allbanaadir.com
NEWS

Shaki badan oo laga muujiyay Cidda ka dambeesay Weerarka lagu qaaday Aqalka Kremlin-ka

Weerar ay fulisay diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ayaa lagu qaaday xarunta madaxtooyada Ruushka ee Kremlin-ka, waxaana weerarkan oo la fashiliyay Ruushka ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen Dowladda Ukraine.

War kasoo baxay dowladda Ruushka ayaa lagu sheegay in weerarkan diyaarada loo adeegsaday ay ka dambeeyeen dowladda Ukraine oo dooneysay in ay khaarijiyaan madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin sida ay tilmaameen.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa si adag u beeniyay eedeynta uga timid Ruushka ee ku aadan in ay weerareen madaxtooyada , waxa uuna xusay in ciidankooda kaliya ka dagaalamayaan gudaha Ukraine .

“Waxaan u dagaalameynaa dhulkeena, waxaan difaaceynaa xaafadaheena iyo magaalooyinkeena, masuul kaman nihin weerarkan ay sheegeen Ruushka in lagu qaaday Kremlin-ka .” ayuu yiri madaxweynaha Ukraine.

Dowladda Ukraine ayaa aaminsan in weerarkan Ruushka naftiisa masuul ka yahay, waxa ayna tilmaameen in Ruushka doonayo in weeraro culus ka geesto gudaha dalka Ukraine uuna weerarkan been abuurka ah ku xalaashanayo.

Dhinaca kale Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sidoo kale shaki weyn  geliyey sax ahaanshaha weerarka lagu qaaday Madaxtooyada Ruushka, waxa uuna tilmaamay in aan la rumeesan karin wax walbo oo Ruushku sheego.

Khuburo dhinaca difaaca iyo hubka ku xeel dheer ayaa inta badan aaminsan in weerarkan la sheegay in lagu qaaday aqalka madaxtooyada Kremlin-ka Ruushka ka dambeeyay, waxa ayna xuseen in Ruushka arrintan ku doonayo in dhibaato uga geesto gudaha Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muran loo Maaro waayey oo u dhexeeya Shirkadda Twitter iyo dowlada India

Caydiid Ali

Laftagareen oo Balan qaad u sameeyay dadkii laga soo Masaafuriyay Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Madaxwayne Qoor Qoor oo ka cararay Dhuusamareeb & Khilaafka culus oo ka dhex qarxay…!!

admin
Taboola Ads ---