Allbanaadir.com
NEWS

Deeegaan Dhawwaan Degmo laga dhigay oo dhisanaya Garoon Diyaaradeed (Sawirro)

Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud waxaa ka bilowday dhismaha garoon diyaaradeed oo loo sameenayo degmadaasi, waxaana dhismaha garoonkan gacan weyn ka geesanaya dadka deegaanka.

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in gacan weyn ka geesanayo dhismaha garoonka diyaaradeed . waxaana Baxdo aan horey u laheyn garoon dooneysa in ay ka baxdo baahidii ay u qabtay dhinaca safarka iyo socdaalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda Baxdo ayaa soo dhaweeyay dhismaha garoonkan cusub, waxa uuna u mahad-celiyay madaxweynaha Galmudug iyo dadka deegaanka ee gacanta ka geesanaya dhismaha garoonkan.

Baxdo oo horey deegaan u aheyd waxaa sannadkii hore degmo rasmi ah ka dhigay madaxweynaha Galmudug, kaddib markii dadka deegaankaasi dagaal adag la galeen Al Shabaab iskana difaaceen kooxdaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Galmudug oon Aqoonsan doonin Natiijada kasoo baxda shirka ka furmay Garawe

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida caawa ku timid Sheekh Nuur Baaruud

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade