Allbanaadir.com
NEWS

Zelensky oo maanta tagaya xarunta Maxkamadda ICC iyo Duqeyn ka dhacday Kyiv

Madaxweynaha UkraineĀ  Vladimir Zelenskyy waxa uu xalay booqasho Kedis ah ku tegay caasimadda dalka The Netherlands ee Amesterdam, kaddib, markii uu soo dhamaystay booqasho kooban oo uu ku tegay dalka Finland.

Booqashada Madaxweyne Zelenskyy waa tii ugu horeysay ee uu ku tago dalka The Netherlands, tan iyo markii loo doortay xilkaasi, waxa uuna madaxda dalkaasi kala hadlayaa arrimo dhowr ah.

Madaxweynaha Ukraine waxa uu saakayto oo Khamiis la kulmi doonaa Ra’isul Wasaaraha The Netherlands, Mark Rutte, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wopke Hoekstra iyo Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Kajsa Ollongren.

Dhinaca kale madaxweyne Vladimir Zelenskyy ayaa maanta khudbad cinwaankeedu yahay “Ukraine Nabad kama jiro doonto Caddaalad La’aan” ka jeedin doonaa Xarunta Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ee ICCĀ  oo ku taalla magaallada The Hague Hague, oo horey bishii March u soo saartay ammar lagu soo xirayo Madaxweynaha dalka Raashiya, Vladimir Putin oo lagu eedeynayo inuu Kumanaan carruur u dhalatay Ukraine si khasab ah ugu daabulay gudaha dalkiisa.

Dhanka kale, Qaraxyo waa weyn iyo qeylo-dhaanta qalabka digniinta bixiya ayaa waaberigii hore ee saakayto oo Khamiis ah laga maqlay dhowr gobal ay ku jirto Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.

Wargeyska Kyiv Independent ayaa laga soo xigtay in labo Qarax oo waa weyn laga maqlay caasimadda Kyiv.

Maamulka Milliteriga ee magaallada Kyiv waxay iyagana sheegeen in la hawl-geliyey gantaalada lidka diyaaradaha, si ay uga hortagaan duqeymaha ku soo hoobanayey qeybo ka mid ah caasimadda Kyiv iyo gobalo ka tirsan dalka Ukraine.

W/T Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo soo saaray amar ku socda dadka wax kala soo dega Dekadda Boosaaso

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Ciidanka Cirka Maraykanka qeyb ka ahaayeen Weerarkii Iran?

Caydiid Ali

Maamulka K/Galbeed oo beeniyey qoraal si weyn u qabsaday Baraha bulshada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---