Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh Safar uu ka tagi lahaa Lodon oo la joojiyay iyo Sababta keentay

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waday in uu u safro magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska, si uu uga qeyb galo xaflada caleemo saarka Boqorka cusub ee UK.

Xasan Sheekh ayaa markii hore kamid ahaa madaxda loo diray casuumadda ee la qorsheeyay in ay ka qeyb galaan xaflada caleemo saarka Boqorka UK, hasa ahaatee waxaa mar kale la joojiyay casuumaddii loo soo diray madaxweynaha Soomaaliya.

Sida xogta lagu helayo dowladda Ingiriiska ayaa farriin ay usoo dirtay madaxtooyada Soomaaliya ku war-galisay in laga laabtay casuumaddii ay u fidiyeen Xasan Sheekh lagana saaray liiska xubnaha ka qeyb galaya munaasabada caleemo saarka.

Dowladda Ingiriiska sababta ay uga laabatay casuumadda madaxweyne Xasan markii hore u fidisay ayaa la sheegay in sabab u tahay in Soomaaliya kamid tahay dalalka UK xanibaada safarka saartay ayna si toos ah diyaarad Muqdisho uga tagtay London u tagi karin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa horey uga qeyb-galay aaskii Boqorada UK, waxaana xusid mudan in xilligaasi madaxweynaha uusan dalka joogin uuna kasii safray dal kale uu howlo shaqo u joogay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu ku dhaqaaqay talaabo qaldan

Caydiid Ali

Qof dembi lagu xukumay madaxweyne maka noqon karaa dalka Maraykan ?

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Safiirka Itoobiya ka guddoomay Warqadaha Aqoonsiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---