Allbanaadir.com
NEWS

Xaruntii lagu qabtay Shirkii lagu dhisay Puntland oo dib loo dayac-tiray iyo Deni oo kormeeray (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Taliska ciidanka Daraawiishta  Puntland ee 54-aad, oo dib-u-dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyay.

Xaruntan oo ah mid taariikhi ah maadaama ay tahay halkii lagu qabtay Shirkii lagu Aasaasay Puntland, ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland oo hore kormeer ugu yimi amray in dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyo, Lana qalabeeyo dhammaan xafiisyada .

Madaxweynaha ayaa maanta kormeeray qeybaha kala duwan Xarunta, habka loo dhisay iyo sida loo qalabeeyay xafiisyada kala duwan , wuxuuna warbixin ka dhegaystay Saraakiisha iyo Masuuliyiinta kale ee Xarunta.

Dib-u-dhiska xarumaha maamulka Puntland waxay qeyb ka ahayd siyaasadda Madaxweyne Deni, iyo balan qaadyadii Madaxweynaha ee hirgalay taasi oo siweyn ay u boggaadiyeen Bulshadu.

 

Related posts

Abdalla Al Rabeeh oo lagu martiqaaday in Soomaaliya yimaado

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in dowladii Farmaajo ay lunsatay lacag ku dhow $100 Milyan?

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo kulan degdeg ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka Baydhabo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---