Allbanaadir.com
NEWS

Lataliyihii hore ee Farmaajo oo loo magacaabay Guddoomiyaha Madasha Lome

Wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadii Ra’isul Wasaare Rooble , sidoo kalena soo noqday lataliyaha amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Mudane Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa xil sare looga magacaabay hay’ad fadhigeedu yahay dalka Togo.

Siyaasigan saaxiibka dhow la ahaa mar la ahaa Madaxweyne hore Farmaajo ayaa loo magacaabay in uu noqdo  Guddoomiyaha Madasha Nabadda iyo Amaanka Lome ee fadhigeeda weyn ku yaalo Dalka Togo.

Madashan guddoomiyaha looga dhigay Cabdi Saciid ayaa  qabata Shirarka iyo doodaha dowlad wanaagga, dimuqraadiyadda, hababka kala guurka Dowladaha Afrika, waxa ay sidoo kale qabataa kulamo looga doodo ammaanka,nabadda, isbeddelka dowladaha Afrika.

Cabdi Siciid Guddoomiyaha Madasha Nabadda iyo Amaanka Lome ayaa katirsanaa xukuumaddii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana xusid mudan in Rooble xilka ka qaaday Cabdi Saciid oo lagu eedeeyay musuq maasuq in uu sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawiro) Khasaaraha duufaantii ugu xumeyd ee ka dhufatay gobolka Florida

Caydiid Ali

Dowlada India oo burburisay Masaajid caan ah iyo caro ka dhalatay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo galabta Safar kale oo dalka dibadiisa ah u baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---