Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo la kulmay madaxda Saddex maamul goboleed kana codsaday Hal arrin.

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kulan gaar ah la yeeshay madaxda maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana kala hadlay madaxda maamuladan qaban-qaabada shirka golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado bishan gudaheeda in uu ka dhaco magaalada Dhuusomareeb iyo sidii shirkaasi Puntland qeyb uga noqon laheyd.

Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Xasan sheekh ayaa ka codsaday madaxda maamulada uu la kulmay in ay deg deg u tagaan magaalada Garawe oo xal ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaana ka codsaday madaxda saddexda maamul oo horey loogu xil saaray in ay dhax dhaxaadiyaan dowladda dhaxe iyo maamulka Puntland in ay fadhiga ka kacaan oo galaan arrintan loo xil saaray.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa raba in shirka golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacaya Dhuusomareeb noqdo mid loo dhan yahay oo qeyb ka tahay Puntland,maadaama shirkaasi looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2026 iyo nuuca ay noqonayaan.

Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Xasan  ayaa ka shakisan in madaxda maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed aysan daacad ka aheyn dhax dhaxaadinta dowladda dhaxe iyo Puntland, maadaama aysan wax tallaabo ah u qaadin arrintaasi.

Shirkii ugu dambeeyay ee golaha Wadatashiga ee ku qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa loogu xil saaray madaxda saddexda maamul goboleed in ay u safraan Garawe oo xal ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Xasan iyo madaxweynaha Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada oo Meesha ka saaray in la hakinayo Doorashada Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo soo arkay Dhibaato xoogan oo Abaarta ka dhalatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo fariin u diray shacabka iyo Madaxda dalka Jabuuti

Caydiid Ali