Allbanaadir.com
NEWS

Messi oo koox Carbeed ka helay Dalab ka dhigaya in uu Noqdo Ciyaarayhanka ugu…

Ciyaaryahanka xulka kubadda cagta Arjentina iyo kooxda PSG Lionel Messi, ayaa helaya dalabyo kala duwan oo qaali ah , xilli la filayo in in uu gabi ahaan isaga tago kooxda PSG marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan gabogabada maraya.

Messi ayaa horey loola xiriirinayay kooxdiisii hore ee Barcelona oo wadahadalo la furtay xiddigan si uu mar kale ugu soo noqdo, waxaana hadda Barcelona ka wal walsan tahay in ciyaaryahankan dhagaha ka fureesto dalabkooda maadaama uu helayo dalabyo kale weyn.

Xiddiga u suurto galiyay Arjentina in koobka adduunka ku guuleesato Messi ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Boqortooyada Sacuudiga, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowladda oo ku qal qaaliyay in dalkooda yimaado.

Lionel Messi ayaa wararku sheegayaan in ay kulmeen oo ay waliba wada-hadallo toos ah yeesheen mulkiilaha naadiga Al-Hilal ee ka dhisan Sucuudiga, waxaana miiska loo saaray dalab rasmi ah oo ka dhigaya ciyaartoyga ugu mushaharka badan kubadda cagta.

Milkiilaha Al-Hilal ayaa ballan-qaadyo waa weyn u sameeyay Messi haddii uu oggolaado in uu kooxda kusoo biiro, waxa uuna Messi noqon doonaa haddii uu Sacuudiga yimaado ciyaaryahanka caalamka ugu mushaarka badan .

Ciyaaryahanka ugu mushaarka badan caalamka waxaa hadda ah Cristiano Ronaldo ka qaato kooxda Sucuudiga ee Al-Nassr oo sannadkii  €200 milyan oo Euro, waxaana la rumeesan yahay in Messi dhaafi karo haddii uu kusoo biiro kooxda Al-Hilal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hannaanka tirakoobka dadka iyo guryaha Soomaaliya oo la Daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal ka socda deegaano hoostaga Aadan Yabaal iyo qaraxyo la maqlay

Cabdi Cade

Qoys mudo lix Sano ah kunoolaa Isbitaal iyo Sabab layaab leh oo keentay !(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---