Somaliland waa dalyare ka mid ahaa dulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Laascaanana waa degmo ka mida dalyaraha Somaliland. Puntland oo ah dalyare magaciisii hore ahaa Majeerteenya, kadibna loo qeybiyey laba gobol oo kala ah Bari iyo Nugal ayaa si isbalaarisa ugu darsaday degmooyin ka mida Mudug oo ka tirsan dalyaraha Galmudug sida Galdogob, Garacad, waqooyiga Gaalkacyo iyo kuwo kale.
Puntland ayaa damacaas waalan ee isbalaariska u aragtay iney dhinaca Galmudug kaga guuleysatey, sidaas si la midana ay mustaqbalka dhow ku tijaabiso hamigeeda ah iney dhowr degmooyin ka dhacdo Somaliland, iyadoo ku eedeyneysa degmooyin aysan lahayn iney xoog ku haysato.
In xoog loo adeegsado meelmarinta damacaas waxey Puntland hadda ka hor u adeegsatey Galdogob oo ay kaarayaal iyo hubka culus ku weerartay iney ku burburiso markii shacabka deegaankaas ay isku dayeen iney isaga baxaan ka sii mid noqoshada Puntland.
Puntland waxey hadda damacsan tahay iney degmooyinka Somaliland qaar ka mida ay xoog kula wareegto iyadoo ku daba gambaneysa hiil heyb iyo mid midnimo Soomaaliyeed oo labaduba aysan ahayn wax ku dhisan kalgacaltooyo walaalnimo iyo midnimo Soomaalinimo, laakiin ay damaceeda ugu habar wacaneyso heyb guud, balse hamigeeduna yahay lahaansho gaar ahaaneyd.
Inkasto dagaal uu yahay dembi laga gelayo dadka rayidka ah oo ay ka dhashaan tacadiyo ah dembiyo dagaal, haddana haddii ay shaqeyn weyso diblomaasiyada lagu sugayo nabada iyo amniga qeybo ka mida dalyaraha, waxaan laga fursaneyn in xalka nabada iyo amniga laga raadiyo in lagu keeno adeegsiga xal ku dhisan xoog ciidan.
Somaliland waxey masuuliyad ka saran tahay iney difaacdaan sugida amniga ay ku ilaalashanayaan nabad ku wada noolaashahooda, waxeyna xaq u leeyihiin ka hortegida xasaradaha laga abaabulayo xuduudaheeda oo looga dan leeyahay in degmooyinka gudaha ku jira looga abuuro degenaansho la’aan siyaasadeed oo horseeda burbur maamul iyo mid dowladeed oo iska horkeena dadka dega degaanada dhexe.
Somaliland gudaheeda dhexe in laga curiyo ismaandhaaf siyaasadeed oo salka ku haya abaabulka laga hurinayo xuduudaheeda waa mid ujeedadiisu tahay in dagaalka loo wareejiyo gudaha maamulka oo madaxa la isku geliyo dadka lafdhabarka u ah aaminsanaanta siyaasadda qadiyada u ah jiritaanka dowladnimada Somaliland.
Waxgaradka ku fekeraya nabadeynta Laascaanood waa iney marka hore qiraan in Laascanood ay tahay degmo ka tirsan maamulka Somaliland oo masuuliyada sugida amnigeeda uu waajib ka saran yahay maamulka dowladda Somaliland, sidaas daraadeedna marka hore loo baahan yahay maamulkeeda in dib loogu soo noqdo gacan ku haynta dowladda Somaliland, kadibna wixii tabsho ah waanwaan nabadeed dhexdhexaadin loogu dhameeyo.
Muqdisho ayaa eeday kadib markii degmooyinka Balcad iyo Afgooye lagu kala daray laba maamul goboleed oo deris la ah, kuwaas oo sugid la’aanta amnigooda sabab ay u noqtay in Muqdisho ay noqoto hoyga amnidarrada iyo falalka argagixisanimada lagu xasuuqayo shacabkeeda, taas oo dhaliisheeda ay marar badan dhalisay isku dhaca iyo ismaandhaafka siyaasiyiinta ay shacabkoodu ku badan yihiin deegaanka Xamar.
Waxeyna taas marar badan sabab u noqotay iney ka faa’ideystaan siyaasiin doolaal ku ah deegaanka oo dhibaatooyin baaxad weyn ka geysta Muqdisho kadib marka ay fursad u helaaan iska horkeenida siyaasiyiinta ah reer guriga, haddana ay isla markaas ka dhex curiyaan colaado waaweyn oo ay ku sii kala fogeeyaan siyaasiyiintaas u dhalatay Muqdisho, waxeyna taas horseeday iney noqoto aalad loo adeegsado in lagu burburiyo damaca shacabka Muqdisho oo yeesha maamul goboleed ay dadkiisu u madaxbanaan yihiin ismaamulidooda, laguna qasbo dadka deegaanka iney aqbalaan in maamulkooda lala wadaago oo weliba lagu xukumo, laguna duudsiiyo xuquuqda ay aqlabiyada ugu leeyihiin madaxbanaanida awooda xukunka ismaamulkooda.
Sanaag, Sool, iyo awdal waxaa jiritaankooda markii hore loogu abuuray qaab shirqool loogu maleegayey maamulka dhexe ee waqooyiga Soomaaliya, waxeyna curiyeyaasha hindisey dhismaha goboladaas yar yar uu qasadkoodu ahaa sidii siyaasad ahaan ay lidi ugu noqon lahayeen awooda ay maamulka dowladda ku leeyihiin dadka ugu tirada badan waqooyiga Soomaaliya.
Waxeyna sidoo kale abuuristoodu salka ku haysey in la tirtiro jiritaanka iyo midnimada isku haysey wadajirka goboladii Waqooyi Galbeed iyo Togdheere ahaan jirey oo saldhig adag u ahaa curashada hamiga ay ku taamayeen dadka ugu badan aqlabiyad waqooyiga Soomaaliya oo ahaa iney degaanakoodu noqdo maamul iskiis u madaxbanaan oo la yiraahdo Somaliland. Waxaan shaki lahayn in abuurista goboladaas ay ahayd halis siyaasadeed oo lagu kala qeybinayey shacabka ku mideysnaa aragtida Somaliland oo wadaagta lahjad mida iyo maamul dowladnimo oo mid ah iyo wada lahaanshaha dhuleed oo mida oo ay dadkoodu ku wada nool yihiin degaanada hoos yimaada ismaamulkooda.
Xoojinta siyaasadaas waxaa hirgelinteeda iska lahayeen kelitaliyeyaashii hogaaminayey xukunkii mileteriga oo iyaguna sii tixraacayey saanqaadka ay soo bilaabeen madaxda reer bariga ahayd oo fikirkaas curiyey intii ay dalka ka talinayeen xukunka mileteriga ka hor, waxeyna hagardaamada madaxdii xukunka mileteriga ahayd mid argagax badan oo heerka dhalanrogida waqooyiga Soomaaliya uu gaarsiisnaa xataa in degaanada dhexe ee waqooyiga Soomaaliya dadka degen laga ciribtiro oo deegaankaas loogu dhaxal-wareejiyo dad Soomaaliyeed oo laga keeno Somaalida Galbeed.
Siyaasadaas ku dhisneyd isir-nacaybka iyo isir-sifeynta ku dhisneyd salguurinta ayaa waxaa dib u soo laba kacleysiiyey maamulka Puntland oo mustaqbalka fog doonaya in deegaanadaas ay noqdaan in dadka ugu tirada badan ee degen ay noqdaan kuwo iyaga ku heyb ah oo ay dhulkooda ku hantaan habar iyo ab wacasho ay la wadaagaan, kadibna ay degaanada dhaca Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bariba ay ka curiyaan dowlad ay heyb ahaan iyagu leeyihiin oo ka madaxbanana Soomaaliya.
Dagaalka Laascaanoodna waa bilowga hamigaas uu qorshihiisu dhow yahay oo abaabulka kicinta iyo cadowtooyada loogu abuurayo dadka degen Sool, Sanaag, iyo awdal si looga horkeeno saldanada ay hogaaminayaan madaxda ka soo jeeda degaanada dhexe oo saldhiga adag u ah jiritaanka xaruumaha maamulka dowladda Somaliland.
Shirqoolka dadka dega bartamaha Somaliland ma ahan mid uguba balse waa sir ka daboolan oo ay moogan yihiin dadka ku nool bartamaha iyo koofurta Soomaaliya oo inta badan aan ku baraarugsaneyn shirqoolada ay maleegaan madaxda heyb-sooca iyo isir-nacaybka dadka isaga horkeenaya si ay saldanada Soomaaliya hogaaminta xukunkeeda ay ugu hantaan laangaabnimo, suurtogalna ay ugu noqoto mariin-habaabinta iyo dulsaarka ay ku hayaan dadka ku tirada badan dalka.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqoraadiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com