Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Gobolka Banaadir oo Shaacisay lacagta lagu iibiyay kalluun ay ka dhigeen Ajaaniib

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa iibisay kalluun si sharci darro ah looga kalluumeystay xeebaha soomaaliya taas oo ay soo dalbadeen Sedax shirkadood, waxaana kalluunkan laga dhigay kaluumeesato ajaaniib ah oo doonayay in dalkooda u iibgeestaan.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegtay in ay sameysay sharuudo iyo hanaan loo marayay iibinta kalluunkaan, waxaana maxkamadda shaacisay in saddex shirkadood soo dalbadeen kalluunka ,balse labo kamid ah buuxin waayeen shuruudaha iibka.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay in 36 eedeysane oo ajaaniib ah oo watay kalluunka maxkamadda iibisay iyo labba doomood ay isticmaalayaan ay sugayaan in ay wajahaan cadaaladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Turkiga oo qaaday talaabo kale oo ka careesiisay Gariiga iyo Khilaafkii oo soo noqday

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo ka dalbaday Sacuudiga in ay shaaca ka qaadaan halka …

Cabdi Cade

Qatar oo ka baxday dhexdhexaadintii Xamaas & Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---