Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda oo nolosha ku qabtay Xubno katirsan Al Shabaab oo baxsad ahaa (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa nolosha ku qabtay labo dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab , kuwaa oo xalay ka badbaaday weerar lagu dilay xubno kale ay la socdeen.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gacanta ku dhigay labadan dagaalyahan ayaa sheegay in ragan ka badbaadeen weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Cali Qaboobe ee lagu beegsaday gaadiid ay wateen xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Ragan la qabtay oo baxsad ahaa ayaa gacanta u galay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo ku sugnaa duleedka degmada Ceeldheere, waxa ayna saraakiisha ciidanka xoogga dalka xubnahan usoo bandhigeen warbaahinta.

Weerarkii xalay ka dhacay deegaan duleedka ka ah degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu dilay 60-xubnood oo katirsanaa Al Shabaab ,kuwaa oo la socday gaari weyn oo nuuca BG-ga loo yaqaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey Guddi sagaal xubnood ka kooban (Magacyada)

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo la tukaday shacabka Hargeysa, eedeyna u jeediyey DF (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo qabtay waxyaabo shaki abuuray & qofkii heystay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---