Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Mikhail Golovanov (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti Amb. Mikhail Golovanov.

Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa kawada hadlay xiriirka labada baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Ruushka. Safiirka ayaana dhambaal salaan ah oo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ruushka Mudane Vyacheslav Volodin soo gaarsiiyay Guddoomiyaha, isagoona sheegay in la xoojiyo cilaaqaadka labada dal.

Sidoo kale Danjire Mikhail Golovanov ayaa xusay In xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qeyb galeen Shirka Baarlamaanka Ruushka iyo Afrika, kaas oo looga hadlay xiriirka Saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Dawladaha Afrika iyo Ruushka si loo adkeeyo wada shaqeynta wadamada Afrika iyo Ruushka.

Related posts

Kulan Xasaasi ah oo xalay dhax maray Madaxweyne Qoor Qoor iyo Fahad Yaasiin

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo telfoon kula hadlay Erdogan ugana mahad-celiyay tallaabo uu qaaday

Cabdi Cade

Golihii Deegaanka Degmada Bardaale oo lakala diray iyo Gole cusub oo la dhisayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---