Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay howlgal lagu dilay Xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hadlay howlgal ciidamada Xoogga Dalka, ciidamada Daraawiishta Galmudug  ku dileen deegaanka Ceel-qaboobe oo ka tirsan Gobolka Mudug .

Qoor Qoor ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ee la weeraray ay isku diyaarinayeen weerar ay kusoo qaadaan ciidanka huwanta ee ku sugan farriisimo kuyaalla gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa yiri “ Waxaa mahadsan Allaah oo ciidanka iyo bulshada deegaanka haleeshiiyay guul muhiim ah, waxaa ammaan mudan bulshada deegaanka sida ay mar walba uga dhiidhiyaan in aragagxisadu adeegsato dhulkooda, diidmadaas argagaxisda dhaxalsiiyay jabkaan iyo kuwa la mid ahaaba”

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada huwanta xalay ayaa lagu gubay gaari weyn ay wateen Al Shabaab ,waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya sheegtay in howlgalkan lagu dilay 60 dagaalyahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid ka mid ah dadkii afduubka logu heystay Gaza oo ku dhintay duqeymaha Israel

Caydiid Ali

Walaac laga muujiyay Heshiiskii ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru

Cabdi Cade

Abwaan Guure oo mar kale loo Magacaabay xil ay ka qaaday dowladii Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---