Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh la wareegay Shaqadii Xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse ?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay su’aalo furan dadweynaha weediinayeen si toos ah uga jawaabayay ayaa la weediiyay su’aal la xariirtay in xafiiskiisa la wareegay shaqadii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Barre.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu la wareegay shaqadii loo igmaday Ra’isul Wasaare Xamse, waxa uuna xusay in xukuumadda shaqadeeda ay tahay mid ay u madax bannaan tahay kaliya latalin ku leeyihiin.

“Awoodaha Ra’iisul Wasaaraha waxay ku qeexan yihiin dastuurka dalka, shaqada ugu badan ee deyn cafinta iyo xoreynta dalka waxaa hoggaaminaya Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhigga, labaduna waxay ka tirsan yihiin Golaha Xukuumadda, waana shaqada ugu ballaaran ee hadda socota. Xafiiska Madaxweynaha waxa ka socda waa talo-bixin iyo jiheyn, shaqadana waxaa fuliya Golaha Xukuumadda.” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana sheegay in wararkan sheegaya in uu la wareegay shaqadii xafiiska Ra’isul Wasaaraha faafinayaan dad uu sheegay in malaha rabaan in xumaan iyo khilaaf aan jirin ka dhax abuuraan isaga iyo Ra’isul Wasaaraha.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay la hadal hayay in awoodda Ra’isul Wasaare Xamse Bare ay is dhintay ayna howlaha xukuumadda looga fadhiyay in ay qabato inta badan laga maamulayo kana socoto xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoorqoor oo daahfuray Mashruuca Better Life (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kulamo kala duwan oo Xasaasi ah oo caawa ka socda magaalada Cadaado

Cabdi Cade

Farmaajo oo ka hadlay sida ay u wada shaqeenayaan Dowlada iyo maamul goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---