Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal gaadmo ah ay xalay ka fuliyeen deegaanka Cali -qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay heleen xogta gaari ay wateen xubno badan oo katirsan Al Shabaab, sidoo kale hub lagu siday lagu beegsaday howlgalka.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in weerarkaasi gaadmada ah ee lagu qaaday Al Shabaab looga dilay ilaa 60-dagaalyahan, waxa uuna intaa ku daray in ciidamada dowladda gacanta ku dhigeen hubkii ay kooxdaasi wadatay.
Dhinaca wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray dhankiisa ku sheegay in Al Shabaab loo dhigay kaniim looga gubay gaadiid sidoo kale looga dilay ilaa toban dagaalyahan .
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com