Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdi Maxame Sabriye ayaa furay kulan Hawleedka Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta la qabtay maantay kaas oo ahaa Kulan hawleed aad muhiim ugu ah dardar gelinta Qorshaha Wasaaradda.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru Dolaha Wasaaradda Arimaha Gudaha mudane Cabdullaahi Faarax Weheliye iyo Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Mudane Issak Maxamed Maxamuud .
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay dhamaaan agaasimayaasha iyo la taliyeyaasha Wassaradda , waxaana diirada lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha Wasaaradda horyaale ee mudnaanta leh.
Wasiirka Wasaaradda ayaa ku booriyay Agaasimeyaasha iyo la taliyeyaasha Wasaaradda howsha adag ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed, waxa uuna ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan halbeegyada mugga leh ee laga rabo Wasaaraddu in ay soo dhamayso kahor dhamaadka sanadkaan.
Wasiiru Dowlaha Wasaardda Cabdullaahi Faarax Weheliye ayaa si kooban uga hadlay caqabadaha jira iyo fursadaha muhiimka ah ee horyaala Wasaaradda loona baahan yahay in ay uga faa iideysato sida ay tahay.
Ugu dambeyntii Agaasimeyaasha Wasaaradda iyo la taliyayaasha ayaa isla meel dhigay sida ugu haboon ee loo laba jibaari karo howlaha socdo ee wasaaradda loona qaari lahaa waxqabad lataaban karo waqtiga dhow.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com