Wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee DF Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Ruushka u fadhiya Somalia Mikhail Golovanov
“Waxaan maanta qaabilay danjiraha dowladda Federaalka Ruushka u qaabilsan dalkeenna Mudane Mikhail Golovanov oo soo gaaray Caasimadda Muqdisho” ayuu yiri wasiirka oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.
Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa xusay in danjiraha Ruushka uu kala hadlay sadex qodob oo xasaasi ah.
“Waxaan ka wada hadalnay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin tartanka aan ugu jirno kurisga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka, cunaqabataynta hubka ee wakhtiga dheer dalkeenna saaran iyo dayn cafinta maadaama Ruushku ka mid yahay dalalka daynta inagu leh” ayuu intaas ku daray wasiirka.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay iney danjiraha isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada Diblumaasiyadda Caalamiga ah, ammaanka iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed ka helaan dalka Ruushka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com