Madaxweynaha cusub ee maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilka uga qaaday qaar badan oo kamid ahaa taliyaashii hore ee ciidanka kala duwan ee maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Somali State ayaa lagu magacaabay Taliyaal ciidan ay ku jiraan Taliyaha booliiska, Taliyaha ciidanka Liyuu booliis iyo taliyaha ciidanka Asluubta, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha magacaabay Xilal kale.
Halkan ka Akhriso Taliyaasha iyo Xilalka cusub uu Magacabay Madaxweyne Cagjar
Taliyeyaasha Liyu booliska.
Maxamed Cabdi Mawsar waxaa loo magacaabay taliyaha guud ee ciidammada Liyu booliska.
Cabdi Xasan Muuse- Ku-xigeenka taliyaha Liyu booliska.
Bashiir Aw Xasan-Madaxa howlgalka Liyu booliska.
Mukhtaar Sheikh Xusen Amiin-Madaxa adeega Liyu booliska.
Jarmali Muxumed- Madaxa sirddoonka Liyu booliska.
Taliyeyaasha booliska caadiga.
Janaraal Maxamed Xasan Cali(Maxamed Yare)- Taliyaha booliska.
Maxamed Cabdi Gurey- Ku-xigeenka taliyaha booliska.
Waxaa sidoo kale Taliyaha ciidanka Asluubta ee maamulka Somali State loo magacaabay Cabdiakariim Sheikh Muuse oo horey uga mid ahaa saraakiisha ciidankla Liyuu Booliiska.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madxaweyne Mustaf Cumar ayaa lagu magacaabay Madax xafiiskeeda maamulka Dowlad deegaanka Soomaali State waxaa loo magacaabay KhadarJigree Aadaan, halka Duqa magaalada Jigjiga waxaa loo magacaabay Garaad Cumar Dool Xirsi.
Magacaabista Xilalkan cusub uu magacaabay Madaxweynaha cusub ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kusoo aadeysa xili uu Madaxweynaha tagay xarunta Maamulkiisa ee magaalada Jigjiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com