Munaasabad lagu xuseyey Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1da May 2023 ayaa Maanta lagu qabtey Magaalaada Baydhabo.
Xafladda waxaa so qaban qaabisey Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda KG, waxaana ka soo qeyb galey Wasiiro, Xildhibaano ka tirsanĀ Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, Agaasimiyaal, Dhallinyaro, Haween, iyo Marti sharaf kala duwan.
Wasiirka Shaqadaha iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Abdulkadir Cumar Baasto ayaa Hambalyo udirey Dhammaan Shaqaalaha Adduunka gaar ahaan Shaqaalaha Reer Koonfur Galbeed.
Abdulkadir Cumar Baasto ayaa xusay iney la dagaalameen heerka shaqo la’aanta degaanada koonfur galbeed ayna shaqooyin u abuureen boqolaal shaqaale ah oo la baray xirfado kala duwan.
Wasiirka shaqada Maamul goboleedka Koonfur galbeed iyo madaxda ururka shaqaalaha dunida ee Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariic ay wadaan ay ugu talogaleen inay ka faaāiidaystaan illaa 500 qof oo kamid ah barakacayaasha, dadka dalka ku soo laabtay iyo weliba dadka degaanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com