Allbanaadir.com
NEWS

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay xuska Maalinta caalamiga ah ee 1-da Maajo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da Maajo awgeed, waxaa uu hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xusay doorka muhiimka ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka dalka, isaga oo ku bogaadiyay dadaalka ay geliyaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka.

Mudane Xamse ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal xooggan gelisay dejinta iyo ansixinta siyaasado iyo shuruuc kala duwan oo xaqiijinaya xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, waxaana uu Alle uga baryay iyaga iyo qoysaskooda horumar iyo baraare.

Shucuuubta dalalka dunida ee ku mideysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegaya munaasabadda 1-da May oo ku beegan xuska sanadguurada 104-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .

1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii  ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.

1919-kii, dalal ka mid ah Galbeedka oo ku jiray Jimciyaddii qarumaha ka dhaxeysay,ayaa ku dhawaaqay dhismaha urur shaqaale oo u howlgala danta xoogsatada,isla markaa ka qeybqaata dejinta xeerarka iyo siyaasadda lagu kala hago shaqaalaha iyo milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kumanaan qof oo ka qaxay gobolka Alberta & xaalad deg deg ah la soo rogay (Sawirro)

Caydiid Ali

Galmudug oo la wareegtay Gaadiid dagaal iyo ciidankii saarnaa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal dad kala duwan lagu soo qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---