Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhigga oo Anita Kiki kala hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab (Sawirro)

Wasiirka gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki ayaa maanta kulan ku yeeshey Muqdisho.

Labada ma’suul ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ah kamid yihiin, wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka kooxda Al Shabaab ee ay waddo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka iyo Anita Kiki , waxay ka wadahadleen sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka si ciidanka qalabka sida awood ugu yeeshaan sugidda ammaanka wadanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero u raadineysa wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo la filayo in si rasmi ah uga bilowdo qeybo kamid ah dalka.

Related posts

Rajo nuucee ah ayuu Baarlamanka UK galiyay Shacabka Somaliland & aqoonsiga ay raadinayaan !!

admin

Madaxweyne Erdogan oo cafis weydiistay shacabka Magaalo ka tirsan dalkiisa

Caydiid Ali

Safaaradda Soomaaliya oo laga codsaday Caddaynta Da’da Burcad-badeed ku xiran Hindiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---