Wasiir katirsanaa Xukuumada Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay ,xili uu Wasiirku bixinayay Wareysi toos ah, waxa ayna sheekadan noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka Faransiiska.
Wasiirkii arrimaha deegaanka ee Faransiiska Nicolas Hulot ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay isaga oo Wareysiga bixinayay, waxa ayna arintan fajac ku noqotay Madaxweynaha Faransiiska markii lagu wargaliyay.
Nicolas Hulot oo horey u ahaan jiray Wariye u dooda arimaha deegaanka ayaa sheegay in go’aankiisa is casilaada ay sabab u noqdeen guul darrooyin uu kala kulmay isku dayo dhowr ah oo uu ku raadinayay in wax laga qabto isbaddalka cimilada.
Waxa uu sheegay Wasiirka in go’aanka is casilaadiisa uu qaatay xiliga uu wareysiga tooska ah bixinayay, waxa uuna xusay in go’aankiisa xitaa uusan u sheegin xaaskiisa isagoona intaa ku daray in uu dareemay kalimo dowlada uu katirsan yahya dhaxdeeda.
“Waxaan doonayaa inaan qaato go’aanka ugu adag nolosheyda, Waxaan qaadanayaa go’aanka aan uga baxayo dowladda, Ayuu yiri Wasiirkii arrimaha deegaanka ee Faransiiska Nicolas Hulot.
Wasiirkan is casilay ayaa sheegay in go’aanka is casilaadiisa uu ku yimid si deg deg ah isla markaana uusan la socodsiin Madaxweyne Emmanuel Macron iyo Ra’isul wasaare Edouard Philippe midna.
Waxa ay Is casilaadda wasiirkan imaaneysaa hal maalin ka dib markii ay dowladda Faransiiska ku dhawaaqday in ay qafiifisay shuruucdii lagu adkeynayay ugaarsiga xayawaanaadka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com