Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo cusub oo kamid noqonaya Kumaandooska Danab oo Tababar loo furay (Sawirro)

Ciidamo cusub oo kamid noqonaya milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab ayaa tababar looga furay xerada ciidamada cirka ee Balli-doogle oo saldhig u ah Danab.

Tababarka waxaa siinaya ciidankan cusub ee kamid noqonaya kumaandooska Danab saraakiil iyo tababarayaal kasoo jeeda dalka Mareykanka , kuwaa oo gacanta ku haya ciidamada Danab.

Taliyaha guutada 16’aad ciidanka Kumandooska xoogga dalka Somaliyeed ee Danab Gaashanle Dhexe Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare ayaa tababarkan u furay ciidankan kamid noqonaya kumaandooska Danab.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidankan cusub ee kamid noqonaya Danab in ay qaataan tababar wannaagsan una diyaar garoobaan in ay qeyb ka noqdaan howlgalada la doonayo in dalka looga saaro Al Shabaab.

Ciidamo badan oo katirsan kumaandooska Danab ayaa ku dhintay howlgaladii ugu dambeeyay ee dalka looga saarayay Al Shabaab, waxaana sidoo kale Danab dagaalka ku waayeen saraakiil sar sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Dagaal ka qarxay Beladweyne iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Saddex Wasiir oo dokumentiyo muhiim ku wareejiyey RW Xamse (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaanno kasoo jeeda Beesha Murusade oo u tagay ciidanka furumaha jooga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---