Ciidamada booliiska dalka Jabuuti ayaa bilaabay howlgalo culus ay ku xir xirayaan dadka muhaajiriinta ah ee dalkaasi u tagay in ay kasii tahriibaan, waxa ayna ciidamada xabsiga dhigeen qaar badan oo kamid ah dadkaasi.
War kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa lagu shaaciyay in booliiska xireen dad gaaraya xireen 3,000 oo qof oo sifooyin sharci darro ah ku joogay dalka Jabuuti, dadkan ayaana dowladda Jabuuti shaacisay in la masaafurin doono .
Wasiirka Arrimaha Gudaha Nuux Xasan ayaa sheegay in dalkan ku yaalla Geeska Afrika “ay buuxiyeen” qulqulka dad ka imanaya dalalka deriska ah, ayada oo 220,000 ay “si sharci darro ah” u yimaadeen sanadkii 2022 oo kaliya.
Nuux Xasan ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in ay go’aansadeen in ay kahor tagaan dadka muhaajiriinta ah ee dalkooda u yimid tahriibka, waxa uuna cadeeyay in ay ka go’an tahay ilaalinta nabad-gelyada iyo bad-qebka dadkooda.
Wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti ayaana ugu baaqay shirkadaha dalkaasi in ay soo diiwaan-geliyaan dadka sida sharci darrada ah ugu shaqeeya, waxa uu sidoo kale wasiirka ugu baaqay ajaaniibta aan shaqada heysan in dalkooda dib ugu laabtaan inta aan la qaban.
Dowladda Jabuuti wali ma shaacin dalalka ay kasoo jeedaan dadka muhaajiriinta ah ee howlgalka socda lagu soo qab qabtay, waxa uuna baahiyay telefishinka dalkaasi in dadkaasi baabuur xamuul lagu qaadayo laguna celinayo dalalkii ay ka yimaadeen.
Dalka Jabuuti ayaa waxaa ku sugan dad badan oo muhaajiriin ah oo u badan Itoobiyaan iyo Soomaali ,kuwaa oo intooda badan dalkaasi uga sii gudba dalka Yemen ay kasii aadaan Boqortooyada Sacuudiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com