Waxaa maanta garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium isugu tagay masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya, Saraakiil ciidan iyo shacab ka kala yimid qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Garoonka waxaa gabi ahaan faarujiyay Ciidamada Nabad ilalainta AMISOM oo sanado badan degnaa, waxaana garoonka si rasmi ah loogu wareejiyay dowlada Federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Maanta Garoonka tagtay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bahsiir Cabdi Maxamed , Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.
Shacabka MUqdisho ee maanta tagay garoonka Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay in garoonkaasi kusoo laabto gacanta dowlada, waxa ayna rajo ka muujiyeen in garoonka dib u dhis lagu sameeyo laguna qabto ciyaarihii kala duwanaa ee ka dhici jiray.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in garoonka Muqdisho Stadiom si deg deg ah loo dayactiri doono si loogu qabto tartamada kala duwan ee ciyaaraha, waxaana laga dhursugayaa fulinta warkan kasoo baxay dowlada.
Garoonka Muqdisho oo ah kan ugu weyn ee Soomaaliya kuyaala ayaa sanado badan ahaa xero ciidan, waxaana garoonka hada ka muuqda bur bur xoogan iyo dayac badan oo ku dhacay intii uu xerada Milatari ahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com