Ilo kala duwan oo ka tirsan Villa Somalia iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa inoo xaqiijiyay inay been abuur tahay warqad la sheegay in lataliye sare loogu magacaabay Jihaan Xasan Sheekh Maxamuud oo ah gabadha Madaxweynaha dalka.
Warqadaan ayaa caawa lagu baahiyay baraha Bulshada Soomaalida qeybo ka mid ah
Saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa allbanaadir Online u sheegay in warqadan ay abaabuleen xubno ku dhaw maamulkii hore ee Nabad iyo Nolal si bulshada dhaxdooda looga abuuro guux loogana horkeeno Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
HOOS KA AKHRISO WARQADA LA BEENIYEY
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com