Booliska degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho ayaa soo qabtay khamri fara badan, Xashiish iyo qori nooca darandooriga u dhaca ah sida uu sheegay Taliska Booliska qeybta gobolka Banaadir.
Howlgalkan ayaa ka dhacay Guri ku yaalla degmada Dharkeynley ka dib markii laamaha amaanka lagu soo wargeliyey inuu ka socday ka ganacsiga Maandooriyahan.
Booliska ayaa sidoo kale soo qabtay oday da’ ah iyo wiil dhalinyaro ah oo loo heysto iney ka ganacsanayeen maandooriyahan.
“Ciidanka Boliiska Qeybta galbeed iyo ciidanka Boliis Militare oo howlgal wadajir ah waday ayaa soo qabtay 7 jirgaan calaq ah iyo fuustadii lagu karinayay,xashiish tira badan kuwaasi oo laga soo qabtay labo guri oo ku yaalo degmada dharkeynley waxaana jira qori ak 47 ah waxaana gacanta ku haya saldhiga boliiska dharkeynley” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska oo sidoo lagu sheegay in la horgeyn doono Cadaalada.
Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya maamulada degmooyinka iyo saldhigyada ciidanka Booliska ayaa maalmahan ku howlanaa howlgal balaaran oo lagula dagaalamayo noocyada kala duwan ee maandooriyaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com