Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Fasaxday shaqaalaha rayidka ah ee DF 1-da May 2023 oo ku beegan beri oo Isniin ah sababo la xiriira xuska Maalinta shaqaale weynaha Adduunka
Qoraal ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay iney hambalyada maalintaas la wadaageyso dhammaan shaqaalaha dowladda, shaqaalaha gaarka ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, ayadoo la wadaagaysa hambalyada munaasabadda Maalinta Caalamiga ah (International Labour Day).
“Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed in maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu tahay 01-05-2023 ay tahay maalin nasasho oo ay Fasax yihiin Shaqaalaha” ayaa lagu yiri qoraalka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com