Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Senator Faroole oo ka digay arrin u damacsan yahay Madaxweyne Saciid Deni

Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator C/raxmaan Faroole ayaa uga digay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni qorshe uu ku damacsan yahay inuu furo dastuurka Maamulka.

Hadalka Faroole ayaa kusoo aaday, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in madaxweyne Deni uu dhawaan isugu yeeray ururada siyaasadda, isagoo kala hadlay in dastuurka la furo, si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan halka  dastuurka uu qorayo saddex urur siyaasadeed kaliya

Faroole oo hoggaamiya urur siyaasadeedka Mucaaradka ee Horseed, ayaa sheegay inay cawaaqib xumo ka dhalan doonto wax ka bedelka dastuurka Puntland.

“Puntland Waxay ku sugan tahay marxalado siyaasadeed oo xasaasi ah, lamana aqbali karo in shaqsiyaad gaar ah ay sidey doonaan ka yeelaan dastuurka Maamulku ku dhisan yahay” ayuu yiri Faroole.

Waxaa uu sheegay in aanay xilligan jirin daruufo maangal ah oo qasbaya in dastuurka la furo ama wax laga bedelo, isagoo xusay in Deni uusan isku dayin inuu ku takri falo masiirka ay umaddi leedahay.

“Deni danaha sii joogitaanka kursiga madaxweynaha awgeed ayuu doonayaa inuu dastuurka u furo, si uu wax uga beddelo qodobo damaciisa ka hor imaanaya, taasina wax la aqbal karo maaha” ayuu yiri Faroole.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Maqaayad ku dhow Villa Somalia

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Madax kale oo lagu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xamaas oo sheegtay in Israel ay caqabad ku noqotay sii deynta Maxaabiis cusub

Caydiid Ali