Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Guuleed oo kulan xasaasi ah la qaatay Safiirka Midowga Yurub (Sawirro)

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Safiirka Midowga YURUB Mrs Tiina Intelmann.

Waxay ka wada hadalleen sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo Wadahadallada Dowladda FS & Somaliland sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ergayga.

Ergayga ayaa Safiiradda uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadallada Somaliland, waxaana uu la wadaagay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo  Arrimaha Somaliland.

Mrs Tiina Intelmann ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawaiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xabad joojin ka dhaqan gashay Sudan iyo xaalada Khartuum oo xasiloon

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo uga digay Xamse Barre arrin dhibaato laga dhaxlay

Cabdi Cade

Daawo:-Muqdisho oo dhibaato Xogan Waajaheyso maalmahaan & fashilka maamulka Gobolka Banaadri !!

admin
Taboola Ads ---