Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa sanado badan kadib si buuxda waxa ay uga guureen garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium, waxaana gacan ku heynta garoonka lagu wareejiyay dowlada Federaalka Soomaaliya.
Garoonka Muqdisho Stadium oo sanado badan aheyd xarun ciidan ayaa saakay markii ugu horeesay waxa ay u suurto gashay u gudaha u galaan dadweyne badan oo ka kala tagay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Dadka garoonka saakay isugu tagay ayaa qiimeenayay sida uu garoonku isku bedelay intii uu xarunta ciidan ahaa , waxaana dadka qaarkood la arkayay iyaga oo cooska gudaha garoonka ka baxay falaya.
Dadka isugu tagay garoonka ayaa aad ugu faraxsanaa in garoonka ka baxaan ciidamada AMISOM, waxa ay sidoo kale dadkan ka niyad jabsanaayeen sida uu muuqaalka garoonka isku bedelay sanadihii uu xerada Milatari ahaa.
Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay amaanka garoonka Muqdisho Stadium, waxaana garoonka la filayaa in dowlada Soomaaliya dayactir ku sameyso oo lagu soo celiyo sidii uu waayo hore ahaa.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay in garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho uu dib ugu soo laabto gacanta dowlada iyo shacabka dibna loo soo celiyo heybadii uu garoonkaasi lahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com