Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kasoo cararay Colaada Sudan oo Muqdisho la keenay (Sawirro)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 123 Muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey, 78 ka mid ah dadkaas waxaa la keenay Muqdisho halka 45 laga dajiyay Magaalada Garoowe.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee kasoo carartay Sudan oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis ababa oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS, Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka Waxbarashada ayaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay 78 ruux, halka Garoowe ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso Muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan waxaana ay horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta Sudan.

Related posts

Somaliland oo digniin culus ka soo saartay booqashada C/wali Gaas ku joogo Sanaag Bari

Caydiid Ali

Ninka Dunnida ugu taajirsan oo iibsanaya Koox caan ah oo ka ciyaarta Horyaalka England

Cabdi Cade

Ireland: “Lama aqbali karo awooda ciidan ee DF u adeegsatay dibed-baxayaasha”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---