Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada Soomaalida kasoo carartay colaada Sudan

Dalka Sudan ay kunoolaayeen Soomaali badan ayaa waxaa ka qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga dalkaasi iyo kuwa RSF, dagaalka ayaana sababay in laga qaxo magaalooyin waa weyn oo dalkaasi kuyaalla.

Soomaali badan oo dalka Sudan u joogay waxbarasho iyo siyaabo kale ayaa dantu ku qasabtay in si deg deg ah uga baxsadaan dalkaasi, waxaana Soomaalida qaarkood galeen qaar kamid ah waddamada dariska la ah Sudan.

Safiir kuxigeenka safaaradda Soomaliya ee dalka Sudan Amb Axmed Cabdi Xasan ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in colaada dalka Sudan sababtay in ay dalkaasi ka baxsadaan 1,500 oo qof oo Soomaali ah oo isugu jiray arday iyo dad kale.

Waxa uu sheegay Amb Axmed Cabdi in dadka Soomaaliyeed ee ku sugnaa Sudan naftooda la baxsadeen, waxa uuna xusay in safaaradaha Soomaaliya ee Itoobiya iyo South Sudan oo kaashanaya wasaaradda arrimaha dibadda u gurmadeen dadka Soomaaliyeed ee qaxay.

Safaarada Soomaaliya ee dalka Sudan ayaa ka codsatay dadka Soomaaliyeed in ay dowladda ka caawiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ardayda u badan ee ka baxsanaya colaada Sudan sidii garab loo siin lahaa.

Dalka Sudan ayaa waxaa ka socda dagaal ay ku dhinteen boqolaal; qof oo shacab ah, waxaana dagaalkaasi sababay in dalkaasi isaga baxana inta badan dadkii ajaaniibta ah ee u joogay waxbarashada iyo howlaha kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal culus oo ka socda Khartuum iyo Xabbad joojintii oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Afar Danjire cusub (Sawirro)

Cabdi Cade

Rajo nuucee ah ayuu Baarlamanka UK galiyay Shacabka Somaliland & aqoonsiga ay raadinayaan !!

admin
Taboola Ads ---