Allbanaadir.com
NEWS

Feysal Waraabe” Farmaajo waa ku saxnaa in uu dilo nacaska Cabraxmaan Cabdishakuur”

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Mudane Feysal Cali Waraabe ayaa weerar dhinaca afka ah ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee caanka ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray shalay ku eedeeyay maamulka Somaliland in iyagu masuul ka yihiin dhibaatada ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Feysal Waraabe oo ka war-celinayay hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku tilmaamay in uu yahay nacasweyn aan waxba kala ogeyn, waxa uuna sheegay in Farmaajo ku saxnaa in dilo siyaasigan markii uu weerararay.

”Farmaajo wuu saxsana markii uu isku dayay in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waa nacas wayn oon waxba ka ogeyn siyaasad ” ayuu yiri hoggaamiyaha mucaaradka Somaliland Feysal Waraabe.

Siyaasiga Feysal Waraabe ayaa si kulul u difaaca qadiyada maamulka Somaliland , waxa uuna inta badan dhaliilaa  una jawaabaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hadla arrimaha maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo wadahadalkii burburay ku eedeeyey Xisbiyada Mucaaradka

Caydiid Ali

Yuusuf Madaale oo Ballanqaad Farxadeed u sameeyay Dhibane Ramla Cabdullaahi (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga oo Muqdisho ku sugan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---