Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ruto oo soo saaray baaq deg deg ah oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab

Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto ayaa shaaciyay in xilligan la joogo waqtigii lasoo afjari lahaa kooxda Al Shabaab ee ku xoogan Soomaaliya, waxa uuna ku tilmaamay kooxdaasi in ay yihiin argagaxiso qatar ku ah nabad gelyada Geeska Afrika.

Ruto ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS ay dagaal kula jiraan kooxda Al Shabaab, waxa uuna boggaadiyay dedaalada la doonayo in lagu soo afjaro jiritaanka kooxda Al Shabaab.

Waxa uu sheegay madaxweyne Ruto in ay taageerayaan in Soomaaliya noqoto dal xasilloon oo horumarsan, waxa uuna sheegay in gacan ka geesanayaan sidii meesha looga saari lahaa qatarta kooxda Al Shabaab uu tilmaamay in ay horseed u yihiin xasillooni darada jirta

Madaxweynaha Kenya waxa uu ku booriyay madaxda DF iyo kuwadowlad goboleedyada in ay xoojiyaan wadashaqeynta, iyada oo loo marayo waqtiga iyo wax ku oolka ah si meesha looga saaro khatarta argagixisada xudduudaha isaga gudba.

Dowladda Kenya ayaa kamid ah dowladaha ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, mana jirin dowladda Kenya wax door ah ay ku leedahay howlgalada cusub ee la doonayo in Al Shabaab dalka looga saaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mucaaradka Farmaajo oo Hub aruursi ka bilaabay Muqdisho iyo Hal Sabab oo keentay !

Cabdi Cade

Trump oo si xun u bahdilay Agaasime katirsan Xafiiskiisa xili uu Wareysi bixinayay

Cabdi Cade

Dowladda Kenya oo war ka soo saartay sababta ay u joojisay kulankii C/raxmaan C/shakuur

Caydiid Ali
Taboola Ads ---