Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Mustafa Cagjar oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafa Muxumed Cumar ayaa xalay Magaalada Addis Ababa casho Sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada ku jooga dalka Itoobiya.

Casho Sharafta kadib masuuliyiinta ayaa yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay madaxweynaha Jubbaland iyo madaxweynaha dowlad deegaanka ayaa kawada hadlay arrimo dhoor ay kamid yihiin sidii loo soo celin lahaa xiriirka Jubbaland iyo dowladda federaalka Itoobiya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in diyaar u yahay in looga ergooyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay siyaasad ahaan kala foggaadeen xilligii dowladii Farmaajo, waxa uuna hadda Axmed Madoobe sugayaa ballan loo qabtay oo ah in uu la kulmo Abiy Axmed.

Madaxda Soomaalida Itoobiya ayaa gacan ka siinaya madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe sidii uu ula kulmi lahaa Abiy Axmed, waxa uu sidoo kale Axmed Madoobe rabaa xilligan in Itoobiya la sameesto isbaheysi cusub si maamulkiisa ugu ilaashado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan Birmadka Madaxtooyada Puntland oo dhoolo tus sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo shaaciyay Qodobadii la isku mari waayay Shirkii Garawe iyo …

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Shaaciyay xiliga ay bilaabaneyso soo Xulida Xildhibaanada cusub ee BF

Cabdi Cade
Taboola Ads ---