Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Meydka nin uu dilay askari ka tirsan ciidamada dowlada oo la diiday in la aaso

Ehelada nin bajaajle ahaa oo maanta lagu dilay magaalada Beladweyne ee gobolka Hiiraan  ayaa diiday in la aaso meydka wiilkooda.

Waxay sheegeen in meydka ninka la dilay aan la aaseynin illaa laga soo qabto askari ka tirsan ciiidamada maamulka gobolka oo geystay dilka wiilkooda kaasoo ku jira xaalad baxsad ah.

Askariga ayaa dilkan geystay maanta ka dib markii darawalka bajaajlaha uu diiday inuu bixiyo lacag $15 dollar ah oo maamulka magaalada uu ku soo rogay in laga qaado darawalada bajaajleyda.

Banaanbax ay dhigayeen dad ka careysan dilka loo geystay darawalka bajaajlaha ayaa maanta ka dhacay magaalada Beladweyne, iyadoo xiisada ka dhalatay dilkan ay weli ka aloosan tahay halkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Wasiir Fiqi ku soo arkay xarunta King Abdulaziz Center for cultural (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Cali Geelle Abubakar oo u geeriyooday Cudurka Caronavirus

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xerada Xalane kula kulmay Valentin Zellweger

Cabdi Cade
Taboola Ads ---